Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Madexweyne Siilaanyo Wuu Ka Madhan Yahey Ragii ay Jihaad Jabad iyo Jid Soo Wada MareenWaxaanu U Gacan Galey Wadaado Islaax ah


(Hadhwanaagnews) Sunday, March 10, 2013
Waxa Marag Ma Doon ah in Sanadkii Lixdankii Markii aynu Xornimada Qaadaney Dalkeena Somaliland in ay Fursadii iyo Qaranimadii Najiib Ismaaciil Maxamed Meecaad

Waxa Marag Ma Doon ah in Sanadkii Lixdankii Markii aynu Xornimada Qaadaney Dalkeena Somaliland in ay Fursadii iyo Qaranimadii Maalintaa ay inaga Lumiyeen Duqey Reer Somaliland ah oo Barigaa Xamar Gacanta uga galiyay Dowladnimadii Somaliland inagoo, Halgan u Galey in aynu Boqortooyadii Ingiriiska Ka Qaadano Xornimo Ismaamul ah oo Madaxbaanaanida Qaranimada Somaliland ah Haseyeeshee, nasiib daro Duqeydaa u Dhashey Somaliland ayaa iyagoo Bakoorado sita U Gacan Galiyay Muqdisho oo Caris galey Halgankii Somaliland ee dhib iyo hadimo loo Soo marey. 

Hadaba marka laga Yimaado Duqeydaa Lixdankii Somaliland u Wanjaafey Koonfur, Waxaan Maanta hadal ka Taagneyn in Qaranimadii Somaliland inagoo Hadhcad joogna

ay Mar Labaad Koonfur Geynayaan Shan Wadaad oo ku hareereysan Madexweynaha Somaliland oo ah Golihiisa Wasiirada kuwaas oo katirsan Dhamaantood Ururka Al-Islaax kuwaas oo laga dhadhansan karo habdhaqankooda ku Saleysan Waxyaabaha ay iskaga midka yihiin Madaxda Soomaaliya Maanta Hogaaminaysa ee (Damu-Jadiid), Waxaana dhab ahaan Ururkaas ay kuwada Jiraan Wasiirada ku Xeeran Madexweyne Siilaanyo ee Shanta ah iyo Madaxda Soomaaliya looga taliyo dalka Masar , Waxayaabaha Calaamad u ah Kooxdan ee aan lagu garan Waayin waxa ugu horeeya Hamuunta iyo Degdega ay u Qabaan Kursiga , Waxaana Ururkan Wasiiradu kujiraan ee Al-Islaax Saldhig  u ah in aanu Dalkii Hore la Iskugu Odhan Jirey Soomaaliya kala Gu,i Karin  waana Arimaha Wakhti xaadirkan inta ugu badan ee Bulshadeenu u afagaran laadahey Xaga aynu u socono iyo Dhinaca ay u jiheysan tahey Qaranimadeenii iyo Gooni Isu Taagii Somaliland.

Hadaan hoos ugu dhaadhaco Waxyaabaha ugu Muhiimsan ee aan Maanta Cadeynta ugu hayo Mawqifkoodu waxa ugu Horeeya Damaca kaga Jira hindisaha ay ku Wadaan Badelaada Dastuurka, iyadoo Madexweyne Siilaanyana Yahey Nin u Gacan Galey kooxo aanay hore isku mabda, a u aheyn islamarkaana, ka baxey dadkii iyo Ragii ay hore isu ehelka u ahaayeen ee ay jihaad jabad iyo jid soo Wadamareen , bal Hadeynu nidhaahno Madexweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo Qaranimada Somaliland waa tii uu usoo Halgamey ee uu usoo Dagaalamey ee Kooxda Ku Xeeran ayaa Muqdisho Ujeeda runtiina Waxaan anigu kula Talin lahaa inta aynu dhowdhownahey in uu Raadsado Dadkiisii la hubey ee la ogaa Lexejeclada iyo Wadaninimada kaga jirta dalka   ee dhib iyo hadimo usoo marey ee jihaad iyo jid dheer usoo marey ileyn waa tan oo hadii dhab ahaan loogu fiirsado Ruux kalama Joogo,e.

Hadaba Gabagabadii Qormadedan Waxaan ku Baraarujinayaa Guud ahaanba Raga Maanta ka Nool ee Ka Hdhey Mujaahidiintii dhiigooda iyo Naftooda usoo Hurey dalkeena iyo Dadkeena ee SNM iyo Raga Tirada Badan ee ka hadhey kumanaankii Shuhado iyo Mujtamaca kale ee Somalilandba Guda iyo Dibadba waa in ay Gurmad Qaran ka Galaan Doonida Al Islaax ee Somaliland u sidata dhinaca Muqdisho oo Dadkeenu dhimasho iyo Dhiig ka Xigaan taas oo ay Xaqiiq ahaan Hogaaminayaan Wadaadada Maanta Wasiirada inoo ah ee Ururka Al-Islaax.

 

Mahad illaahaybaa Leh

Najiib Ismaaciil Maxamed Meecaad

Gudoomiyihii Ururka Gobanimo ee Gabiley Lagaga Dhawaaqey

Gabiley Somaliland

Mobile Numbar 4466339      


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.