Wuxuu ogeysiinayaa Ardayda iyo dadweynaha jecel waxbarashada inuu bilaabay barnaamijyo waxbarasho oo isugu jira:
1 ? Barnaamij waxbarasho oo ah kii hore uga socon jiray loogu talo galay diyaarinta macallimiin aqoon sare u leh barbaarinta iyo xirfadda waxbarista.
Machadkaani wuxuu bixin doonaa takhasusaadka kala ah:
a. physics and math?s a -
b. chemistry and biology b -
c - English and Somali language
d - Arabic and Islamic studies
e - Computer and information technology
Machadku waxa uu adeegsanayaa agab casri ah oo isugu jira:
A ? Laab sciences ah oo isugu jira chemistry,
biology and physics oo fursad u siinaya Ardayda qeybaha scienceska inay u bartaan maadooyinkaasi si baraaktikaal ah.
B ? laab language ah oo loogu tala galay inay ardaydu si wacan ugu bartaan luqada Englishka.
C ? Laab Computara oo fursad u siinayo ardayda oo idil inay kaga xaqab beelaan barashada cilmiga Cumputarka .
D - Maktabad ay yaallaan buugaag la xidhiidha takhasuska ardaygu baranayo.
E -Dhisme heer sarreeya oo u suuro galinaya ardayga jawi waxbarasho oo ka fog buuq iyo qaylo.
F ? Macallimiin xul ah oo ka kala yimi dalka dibaddiisa iyo gudihiisaba, sitana shahaadooyin sare oo isugu Jiraa PhD , Master iyo Bachelor, Waxayna mudo badan wax ka soo dhigayeen jaamacado kala duwan oo caalami ah. .
F - Machadku waxa uu xidhiidh la leeyahay jaamacado ku yaalla Dalka iyo Dibaddaba aqoonsana shahaadooyinka uu bixiyaa .
G - Ardaygu waxa uu ikhtiyaar u leeyahay inuu ku barto takhasusaatkaas labada luqadadood ee Ingiriisiga ama carabiga ka uu doono.
2 ? Machadku asagoo ugu faa´ideeynaya dadweynaha iyo ardayda dooneysa inay galaan Jaamacadaha Dalka & dibadiisaba agabka waxbarasho ee casriga ah ee yaalaa gudihiisa iyo aqoonta durugsan ee macalimiintiisa, wuxuu diyaariyay koorsooyin gaagaaban oo ah barashada luqadda Englishka iyo cilmiga Cumputarka.
Sidaasi awgeed waxa lagu wargelinayaa ardayda & dadweynahaba iney si dhakhso ah isku diwaangaliyaan, iyadoo Isqorista ka socoto Xarunta Machadka oo ku taalo waqooyiga Maansoor Hotel Hargeysa, Istaanka basaska Xero awr ee jigjiga yar. Ka soo horjeedka fooqa Baaska.
Wixii faahfaahin ah ee intaa dheer kala xidhiidha telefanada:
Telesom: 517575
Mobile: 4400045