Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Afhayeen U Hadlay Wasaaradda Warfaafinta Oo Beeniyay War Lagu Baahiyay Mid Ka Mid Ah Wargeysyadda Ka Soo Baxa Hargeysa


(Hadhwanaagnews) Sunday, March 10, 2013
Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Warfaafintu waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in mawjadda dhexe ee radio Hargeysa ay daqiiqado hawadda ka maqnayd.

Hargeysa (HWN) - Afhayeen u hadlay Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku jiraan ku tilmaamay warar lagu baahiyay mid ka mid ah wargeysyadda ka soo baxa Magaaladda Hargeysa.

Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Warfaafintu waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in mawjadda dhexe ee radio Hargeysa ay daqiiqado hawadda ka maqnayd.

Waxaanu afhayeenku warsaxafadeed uu ka soo saaray Magaaladda Hargeysa ku

sheegay in wargeyska Ogaal oo ka mid ah wargeysyadd ka soo baxa Magaaladda Hargeysa kuwoodii ugu horeeyay la moodo in ay hadda gacan kale ku dhex jirto.

warsaxaafadeedkaas oo Uu Nuqul ka mid ah

?Wargayska Ogaal oo ka mid ah wargaysyada soo jireenka ah isla markaana aan looga baran khaladaadka saxaafadeed ayaa mudooyinkan dambe la soo baxay gefaf saxaafadeed oo ay ka mid tahay daabacaadda warar aan dheelli tirnayn oo baal marsan sugitaanka iyo xaqiijinta war tebinta looga baahan yahay.

Wargayska ayaa cadadkiisii shanta bishan March ku sheegay in ay mawjadda hirarka gaaban ee idaacadda Radio Hargaysa aamustay muddo saacado ah. Iyaga oo aan wax xog ah ka raadin, xidhiidhna la samayn mas?uuliyiinta sare ee wasaaradda taas oo meel ka dhac ku ah xeerka saxaafada.

Sidoo kale cadadka maanta ee Wargayska Ogaal ayaa lagu qoray warar aan loo miidaan deyin oo tilmaamaya in shaqaale aan shaqo cayiman lahayn oo wasaaradda ka hawlgala iyo mid kale kale oo uu ku sheegay inay wasaaradda ka hawl-galaan shaqaale hubaysan.

Afhayeenka u hadlay wasaaradda warfaafintu waxa uu sheegay in ay tahay arrin lala yaabo labada warbixinood ee wargaysku daabacay oo ah warbixino ka fog xaqiiqada taala wasaaradda Warfaafinta, iyadoo haba yaraatee wargaysku aanu waraysan cid ka tirsan mas?uuliyiinta wasaaradda.

Waxaanu dadweynaha kula talinaynaa inay ka fogaadaan wararka uu wargayskaasi baahinayo ee xaqiiqada ka fog, isla markaana wasaaradda warfaafintu waxay ka dalbanaysaa hay?adaha ammaanka ee dalka inay dabagal ku sameeyaan isbedelka ku yimid wargayskan oo aanu filayno inay gacan kale ku jirto.?

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Contact@hadhwanaagnews.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.