Hargeysa (HWN) - Maxkamadda Magaalo Madaxda Gobolka Daad madheedh ee Oodweyne ayaa waxa ay xukun ku riday rag ku eedaysnaa in ay magaaladda soo geliyeen khamri.
Khamrigan oo dhamaa 24 jirikaan iyo waliba 15 caagadood ayaa waxa xukunka ka dib meel fagaare ah ku gubeen khamrigii.
Sidoo kale dadkii khamrigaasi Magaaladda soo Geliyay oo aan gacanta lagu dhigin ayaa iyaga oo maqan xadhig iyo ganaax
lacageed lagu riday.
Gubista Khamrigan oo ay ka qayb galeen Mayorka Magaaladda Oodweyne, badhasaab ku xigeenka iyo waliba masuuliyiin kale ayaa waxa ay ka dib madaxweyaha Somaliland ka codsadeen in ay loo dhiso maxkamad cusub si wax badan looga qabto baahiyaadka kala duwan ee ka jira deegaankaas.
Najax Aadan Cunaaye
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Contact@hadhwanaagnews.com