Hargeysa (HWN)- Taliyaha Ciidamadda Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa Maanta 26 sarkaal u soo xidhay Aqoon Korodhsi Muddo U Socday.
26-kan sarkaal oo isaga kala yimid Goboladda Maroodi Jeex, Gabiley iyo Hawd, ayaa hadal kooban oo ay halkaasi ka soo jeediyeen qaarkood waxa ay ku sheegeen in ay ku dedaali doonaan sidii ay uga midho dhalin lahaayeen waxyaabihii ay ku barteen Aqoon korodhsigaasi.
FONT-SIZE: 14pt">Taliye Ku Xigeenka Ciidamadda Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan (Fooxle) ayaa isna kula dardaarmay Saraakiishaaasi in ay guntiga dhiisha iskaga dhigaan sidii ay waxbadan uga bedeli lahaayeen hanaankii ay hore ugu shaqayn jireen.
Gabogabadiina Taliyaha Ciidamadda Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo la hadlayay Saraakiishaasi ayaa xusay in ciidamadda Booliska Somaliland looga baahan yahay sidii ay dardar cusub ula iman lahaayeen.
Waxa uu amaan badan u soo jeediyay saraakiishan iyo waliba ciidamadda kale ee booliska, kuwaas oo uu ku amaanay dedaalka muuqda ee ay la yimaadeen.
Waxaanu xasuusiyay in ay hor yaalaan carqalado badan kuwaas oo looga baahan yahay In ay si dhib yar uga dabaashaan.
Najax Aadan Cunaaye
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Najaxcunaaye52@gmail.com