Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Marwo Samsam Maxamed Cige Oo Is-barbar Dhig Ku Sameysay Murrashaxnimada Muuse Biixi Iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale


(Hadhwanaagnews) Sunday, March 10, 2013
Hargeysa(HWN):-Samsam Maxamed Cige oo ah haweenay aad ugu dhuun daloosha Siyaasada Somaliland iyo ta Geeska Afrikaba, isla markaana hore uga tirsanaan jirtey guddidii fulinta ee Xisbigii UDUB ayaa waxay is-barbar dhig ku sameysay farqiqa

Hargeysa(HWN):-Samsam Maxamed Cige oo ah haweenay aad ugu dhuun daloosha Siyaasada Somaliland iyo ta Geeska Afrikaba, isla markaana hore uga tirsanaan jirtey guddidii fulinta ee Xisbigii UDUB ayaa waxay is-barbar dhig ku sameysay farqiqa siyaasadeed ee u kala dhaxeeya murashaxnimada Muuse Biixi Cabdi oo ah imika guddoomiyaha kumeelgaadhka Xisbiga KULMIYE iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isna imika ah Wasiirka Maaliyadda Somaliland.

Sidaa waxay Samsam Maxamed Cige ku sheegtey qoraal ay soo saartey waxaanu u dhignaa sidan:


Narrow?,?sans-serif?"> "Inta aanan mawduuca u galin waxaan jeclaan lahaa in aan wax ka idhaahdo qaabka dhaqan siyaasadeed ee Mandaqadan aynu ku noolnahay,ee qaaradan Africa.Badanaa culumada siyaasada ka faalootaa waxay ku macneeyaan in siyaasada africa ay ku baysgaraysantahay arimaha qabaa,ilka iyo qoomiyado mid uun, hadii laga qarmi waayana ay sooraacdo diin,

Waana ta kalifta in badanaa colaadaha bariisaday Africa sabab looga dhigo , marka aynu ka eegno dhanka aynu  uga socono waxay ku heshiiyaan qoomiyadaha ama qabiilooyinka Africa wadamadooda ku nooli xulafaysi siyaasadeed iyo istaageerisi beeliba beeshakale ama qoomiyadibn qoomiyada kale siiso marka ay doorashooyin dhacaayaan .

Sidaas oo ay tahay waxaynu ku warqabnay in doorashooyinkii u dambeeyay in siilanyo iyo muuse biixi oo horkacaya beelaha ay kasoo kalajeedaan ku heshiiyeen in doorkan lataageero sidii siilanyo uu kursiga madaxwaynaha u fuuli lahaa marka danbana muuse biixi ay taageeraan beesha siilaanyo sidaas ayaana doorashadii lagu galay isagoo muuse geed dheer iyo mid gaabanba u koray sidii u saarilahaa siilanyo kursiga ugu sareeya qaranka s/land  isagoo waliba duminayay dawlada uga dhow oo kuxigeenkeeda isku hayb ahaayeen lakiin anigu kulama yaabani oo damaciisa siyaasadeed ayaa kawaynaa muuse. Waanu ku guulaystay in hamigiisii ahaa in uu axmed maxamed maxamuud siilanyo noqdo madaxwaynaha JSL

Hadaba waxuun baa mar qudha dhagaha dadka ku soo dhacay in inaadeerkay cabdicasiis samaale uu isna musharax horleh oo kadhexdilaacay beeshii iyo xisbigiiba heshiisku u yaalay mabase xumee maxaa kadhaba samaale damaciisan

Farqiga  u dhexeeya

Muuse ayaa isugu yeedhay casuumad u usameeyay beesha uu kasoo jeedo oo isugu jirta xasuusin iyo tageero labadaba , isagoo xusay heshiiskii aywadalahaayeen beesha madaxwayne siilaanyo iyo tageero uu ku waydiisanayay labadaba isagoo cadeeyay in uu musharax u yahay gudoomiyanimada xisbiga kulmiye iyo ta madaxwaynaba waa hadii siilaanyo isasoo sharaxo iyo hadii kaleba

Samaale ayaa isna maalin kabacdi casuumad u fidiyay beesha uu kasoo jeedo haldoorkooda  oo uu kadoonayay tageero in laga siiyo musharaxnimada gudoomiya xisbiga kulmiye iyo musharaxa madaxwaynaha labadaba muxuuse daba dhigay hadalkiisii?

Anigu tartan lagalimaayo madaxwayne Siilanyo hadii musharax yahay  marlabaad macnaheegu waa waxuunbaan tartan lagalayaa muuse biixo oo qudha .

Hadaba marka aynu eegno tageerada uu sameele reerka waydiistay miyaanu kucadayn sidii uu u luminlahaa hadafkii ay beeshu lahayd ee ay heshiiska ku gashay muusana dhabarka uga tooganlahaa  waxaan hadalkayga ku soo gunaanadayaa

Dub udhigista shirwaynaha xisbiga kulmiye ee madaxwayne siilaanyo soo jeediyay waxay fariin cad u tahay musharaxnimada siilaanyo ee shanta danbe

Samaale waxaan leeyahay ciyaarta aad ciyaaraysaa waa DHUUMASHADA DHABARKU MUUQDAA OGOW WAA DHIB IYO HADIME, Beesha sacad muusana waxaan leeyahay RAGA KALASAARA OO DAMACOOGA KALA OGAADA oo nina wax beeldeeqa ayuu idiinla yimid nina wax isaga deeqa

Siilaanyana waxaan leeyahay heshiiskii aad muuse iyo reerkiisaba aad  lagasheen haka dhigin LAFA MAROODI IYAGAA LAYSKU JABIYAA".

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

 

 

 

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.