Xaiirad(HWN):-Xukuumadda Somaliland ayaa si qarsoodi ah xalay ugu soo guddisay Sagaalkii oday ee Beesha Ciise Xabsiga Gobolka Awdal,kadib markii ay muddo shan cisho ah ku xidhnaayeen Saldhiga Magaalada Xariirad ee gobolka Salal.
Sidaa waxa Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews u xaqiijiyey ilo-xo-gagaala oo nala soo xidhiidhay,balse diiday in magacooda la sheego,Waxaanay intaa ku dareen wararku naga soo gaadhaya deegaanka Xariirad inaanay odayaashani wax danbi ah oo ay galeen aanay jirin,balse Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo isagu ka danbeeyey xadhiga odayaasja beesha Ciise,isaga oo
ku sababeynayaa xadhigooda inay keenaan tobankii Xildhibaan ee Beesha Ciise kaga jira goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Lughaya iyo Saylac oo ku dhawaaqay 25/2/2013 inay iska casileen xubinimaddii Goleyaasha deegaanka.
Xildhibaanaddaas ayaa sheegay In istiqaaladoodu ay ka dambeysay,ka dib markii ay beel ahaan go?aansadeen inay iska casilaan Goleyaasha deegaanka ee Lughaya iyo Saylac oo ay ku doodeen in lagaga shubtay doorashadii deegaanka ee Somaliland ka dhacday 28-kii bishii November ee kal-hore 2012-kii.
"Wxaan aad iyo aad uga xumahay inay xukuumadda Somaliland xabsiga u taxaabtey sagaal oday oo waa weyn oo da?ah oo wax danbi ah oo ay sameeyeen aanay jirin,iyada oo ay qaar xanuunsanayaan, kuwaas oo muddo shan cisho ah ku xidhnaa degmada Xariirad imikana la soo dhaadhiciyey Xabsiga Gobolka Awdal,wax danbi ah oo ay odayaashani sameeyeen ma jirto,laakin haddii khalad dhaco waa in la xaliyaa,laakin in beel uun (Samaroon) garab la siiyaa oo beeshii kalena (Ciise-weyne) lala dagaalamo oo la xidh-xidho oo xorriyadoodi laga qaado waa ayaan darro, taasina khilaafka meesha yaala ma xalilayso ee way sii kala fogeynaysa dhinacyada is-haya.Sidaa daradeed xukuumaddu may garan-waayin inay xaliso khilaafka ka taagan Gobolka Salal,balse si khaldan ayey doonaysa inay wax ku xaliso,taasina waxaan leeyahay ka jooga oo xoriyadooda u soo celiya odayaashan aad xidh-xidhay?.Ayuu yidhi nin diiday inuu magaciisa sheego oo ku sugnaa deegaanka Xariirad.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi?Waxaan ugu baaqa hay?ada Caalamiga iyo kuwa dawligaaba iyo cidkasta oo reer Somaliland ah oo jecel nabad kuwada noolaanshiyaha dhex-dooda si horumar iyo barwaaqo bulshadu ugu noolaato, iyo walaaltinimo dhexdooda ah waa inay u soo gurmadaan xadhiga sharci-darada ah ee sagaalka oday ee waa weyn lagu xidhxidhay,iyada oo aanay jirin wax denbi ah oo ay galeen,balse xorriyadoodii qof ahaaneed lagu tacadiyey oo la duudsiiyey"
Sagaalka oday Beesha Ciise ee la soo xidhxidhay Waxay Magacyadoodu kala yihiin:
1. Aadan Cabdilaahi Boodhle
2. Carab Cali Boodhle
3. Caaqil Daahir Axmed
4. Cali Wabar Furre
5. Meecaad Xaaji Faahiye
6. Nuur Muumin Faxal
7. Maxamed Cabdi Boqore
8. Cumar Cilmi Furre
9. Cabdi Cokiye Nuur
Mustafe-Jannaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email: janaale94@gmail.com